Golaha Ammaanka ee QM waxay walaac xooggan ka muujiyeen Tacadiyadda Carruurta loogu geysto dalka Somalia iyo dalalka kale ee ay colaadaha halakeeyeen.
Hadalkaasi ayaa la soo saaray, kadib, markii ay xubnaha Golahaasi xalay Kulan Dood ah ku yesheen Xarunta QM ee New York
Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres iyo Wakiilka QM ugu qaabilsan  Arrimaha Carruurta loo adeegsado Dagaalladda, Virginia Gamba.waxay ku booriyeen Dowladaha iyo Jilayaasha kale inay u oggolaadaan Carruurta inay helaan Waxbarasho, Daryeel Caafimaad xilliyadda ay Dagaalladda socdaan.
Hadl-qoraal oo ka soo baxay 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu xusay inay sii socon doonaan Dhowrista Caalamiga ee Xuquuqda Carruurta iyo in dhabaha ugu wanaagsan tahay in carruurta loo dhamaystiro Rabitaankooda ee aan loo adeegsanin in loo askareeyo colaadaha hubeysan.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, António Guterres waxa uu tilmaamay in Warbixintii ugu dambeeyeymuujinayso inay aad u korodhay Carruurta la Askareeyo ee dalalka Somalia, Nigeria, South Sudan, Kongada Dimuqraadiga, Afganistan, Syria iyo dalal kale..
Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ay Golaha Ammaanka ee QM bishii October ka diyaariyeen Carruurta loo adeegsado Dagaalladda ayaa lagu xusay inay la sii daayey Carruur lagu hayey Xabsiyadda Somalia.