Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa ka soo xigtay Taliyaha Boliska Gobalka Mandera,Fredrick Shisia inay Alshabaab 2-gaari ka soo qaateen Mandheera, ka hor intaysan 2 qof dhaawacin, mid kalena aysan horey u kaxaysanin..
Fredrick Shisia waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab  Weerarkii ugu horreeyey ku qabsadeen gaari noociisu ahaa TOYOTA HILUX oo marayey jidka isku xira Deegaanadda FIIQ iyo Shiikh Barrow ee duleedka Mandera.
Waxa uu intaasi ku daray in Dareewalkii oo keli ku ahaa gaariga lagu amray inuu gaariga u gudbiyo dhinaca Xuduudka Somalia
Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Mandheera waxa uu sheegay inay Alshabaab weerar kale ku qabsadeen  Gaari noociisu ahaa LAND CRUISER  oo marayey Deegaanka Carabiya oo u dhow Mandheera, waa sida uu hadalka u dhigay.
Gaarigaasi ayaa la sheegay inay la socdeen dad rakaab ah oo ku sii jeeday Degmadda Ceel-waaq ee Somalia.