Xalay waxaa Magaalada Qaahira ee dalka masar lagu dilay mid ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha dalkaasi Masar,xili uu ka soo baxay Goob Maqaaxi ah.
Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafad lagu Magacaabo Suuq-sayaaraad, ee Magaalada Qaahira waxaana Meydkiisa la geeyay Isbitaalka Nasri City sida uu Warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Ciidamada Booliiska dalka Masar ayaa dilka ka dib sameeyay howlgal ay inta badan ku qab qabteen Soomaalida ku nool dalkaas si loo ogaado dadkii ka dambeeyay dilka Wiilkaasi Soomaaliga ah ee 16 jirka ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha.