Wararka ay Radio Dalsan ka heleyso degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ΓΒ duleedka degmadaas Miino kula qaraxday Raggii dhigayay.
Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday tuulada Daniga Baaloow oo 11km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Balcad,waana halkii 22,kii Bishaan ay miinada kula kacday gaari Homey ah oo ay saarnaayeen dad Shacab ah oo Haween u badnaa.
Dadka deegaanka qaarkood oo diiday in Magacooyada iyo codkooda Warbaahinta loo adeegsado in Goobta raggaas ay miinada ku xirayeen ay aheyd Buundada lagu Magacaabo Macalin Weyne balse ay Miinadii la qaraxday.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ragga Miinada Aasayay ay ahaayeen ilaa 5 ruux mid ka mid ahna uu ahaa Sarkaal wallow aan Magaciisa la shaacin.
Deegaanka Daniga Baaloow oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee labada Shabeelle ayaa waxaa dhawaanahaan ku soo batay Miinooyinka dhulka lageliyo,waxaana horay halka loo yaqaano kala wareega ka dhacay weerar ay ku geeriyoodeen Ciidamo ka tirsanaa kuwa Maamulka degmada Balcad