Hay’adda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa soo saartay Qiimeyn ay ku samaysay ku-dhawaadka boqolka Jamaacadood ee ka hawlgala gudaha dalkeena.
UNESCO waxay sheegtay inay 9 ka mid ah Jamaacadaashi yihiin kuwo ay Hay’addu u aqoonsatay Tayada Waxbarashadooda mid Heer Caalami ah.
Sida lagu soo daabacay Xogta UNESCO ee Waxbarashadda Sare (UNESCO world Higher Education Datebase)) liiska Jamaacadaha ku yaalla Somalia ee aqoonsiga ka helay UNESCO ayaa kala ah:
1- Banadir University (BU)
2- East Africa University (EAU)
3- Mogadishu University (MU)
4- Puntland State University (PSU)
5- SIMAD University (SU)
6- Somali National University (SNU)
7- University of Burao
8- University of Hargeysa.