Orod-yahan Mo Farah ayaa ku dhawaaqay inay isaga iyo Qoyskiisa dib ugu soo laaban doonaan magaalladda London oo uu ilaa yaraantiisa ku noolaa.
Orod-yahanka oo sannooyinkii la soo dhaafay deggaanaa magaalladda Portland ee Gobalka Oregon ee dalka Maraykanka  ayaa sheegay inuu ku soo laabanayo London, halkaasi oo uu Tababarka ku qaadan doono.
Waxa uu beeniyey in go’aanka uu kaga soo tegayo dalka Maraykanka u sabab tahay Eededeymaha loo soo jeedinayo Tababarihiisa Alberto Salasar.
Mo Farah oo 4 jeer qaatay Biladaha Dahabka ee Orodada Caalamka ayaa sheegay inay isaga iyo Qoyskiisa u xiiseen magaalladda  London
Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka uu Mo Farah kaga soo dhoofayo Maraykanka ayaa ku soo beegantay isagoo horey culays ugala kulmay Amarkii Xayiraadii Socdaalka ee uu Donald Trump bilowgii sannadkan ku soo rogay dadka Muslimiinta ee ka soo kala jeeda 6-dal oo ay Somalia ka mid tahay.