Suldan Aadan Hilowle Cabdi oo ka mid ah Ehelada Dhibane Aadan Cabdi Jeezow oo mudo laba Sano ah ku xanuunsanaya Xabsi ku yaalla Magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Wiilkooda oo 46 Sano jir ah Ciidamada Itoobiya ay ka qabteen deegaanka Ceel-Cali ee Galbeedka Gobolka Hiiraan isaga oo ahaa qof si iskiis ah isaga Shaqeysan jiray.
Waxa uu sheegay in hadda uu xaalad waali ah uu ku sugan yahay islamarkaana Habeen iyo Maalin la jirdilo.
Maanta ayuu nagu soo booqday Xarunta Radio Dalsan ee Muqdisho,waxa uuna ugu baaqay madaxda dalka in ay arrintaan faraha la galaan isla markaana ay soo badbaadiyaan dhibane Aadan Cabdi Jeezow.
Hoos Ka Dhageyso Codka Suldan Aadan Hilowle Cabdi .