Mid ka mid ah Saraakiisha Caalamiga ee sida dhow ula shaqeeya Dowladda Federalka ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in  Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), C/llaahi Maxamed Cali “Sambalooshe†xilka looga qaaday Maqaalkii uu isbuucii hore ku qoray Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka.
Sarkaalka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London, wuxuuna xusay inay jiraan dad caraysan oo isku xiraya Xil-ka-qaadista iyo Qoraalkii Sambalooshe.
“Waxaa jira dad badan oo caraysan daqiiqadan iyo qof kasta oo doonaya inuu qaado waxa uu awoodoâ€ayuu yiri Sarkaalkaasi Caalamiga ee aan magaciisa la shaacinin.
Dhinaca kale, Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, C/llaahi Maxamed Cali “Sambaloosheâ€, waxa uu Maqaalkiisa ku sheegay inay Beesha Caalamka ku fashilmeen inay taageeraan Ciiddanka Ammaanka ee Somalia.
Waxa kale oo uu qoray inay Saaxiibadda Caalamka ka gaabsadeen inay Hay’addaha Dowladda la wadaagaan Warbixinadda iyo Dhacdooyinka ay ka ururiyaan qaraxyadda ka dhaca gudaha Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Xil-ka-qaadista Agaasimihii Hay’adda NISA, C/llaahi Sambalooshe  iyo Taliyaha Boliska Soomaaliyeed, C/xakiim Daahir Saciid “Saacidâ€Â ayaa timid hal maalin kadib, Weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee Muqdisho.