Weriye Maxamed Caddow oo ka tirsan Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inay Alshabaab shalay galab weerareen Hotel la filayey inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ku marti geliyo Kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynayaasha 5-ta Maamul-gobaleedyadda dalka.
Weriyaha oo isagoo ku sugan magaalladda Nairobi waxa uu  tilmaamay inuusan Madaxweyne Farmaajo  joogin Hotelka, ka hor intaysan  Alshabaab Weerarka iyo Qaraxyadda.la beegsnin Hoteelkaasi oo ku yaalla meel aan ka fogeyn Villa Somalia.
“Waxaan xaqiijin karnaa inuusan Madaxweynuhu joogin Hotelka, xilligii uu weerarkaas dhacay†ayuu yiri Weriye Maxamed Caddow oo ka tirsan Aljazeera tv.
Waxa kale oo uu sheegay inaysan  cidna filaynin inay Alshabaab weerari doonaan Hoteelkaas.
Dhinaca kale, Telefishinka Aljazeera waxa uu sheegay inay in ka badan 20 qarax ka dhaceen Muqdisho tan iyo bilowgii sannadkan, kuna geeriyoodeen ugu yaraan 500-qof , halka ay 630-kalena ku dhaawacmeen.