Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ahna Guddoomiye ku xigeenka hey’addaha Culimada Soomaaliyeed ahna afhayeenka hey’addaas Majmaca Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxyada waxyeelada geestay ee Bishaan Gudaheeda ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Marka hore ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ee shirka uga socdo Muqdisho in ay joojiyaan isla markaana ay u soo jeestaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in la soo celiyo Macaawuusleydii xiligii hoggaamiye kooxeedyada ay wadanka maamulayeen ee dagaalka ku jira si ay uga qeyb qaataan dagaalkaas.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay iclaamiyay waqtiga uu bilaabanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si Shacab iyo iyagaba uga qeyb qaataan sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Nuur Baaruud.