Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo ah Isniin kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doona Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Batroolka iyadoo Golaha uu hor imaandoono Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta oo wasaaradiisu ay soo gudbisay Sharcigan.
Saalax Caliyoow Ibroow ayaa Xildhibaanada hortooda ka jeedin doona muhiimada uu leeyahay Sharcigaan,iyada oo intaas ka dib Xildhibaanada ay talo ku darsan doonaan si wax looga bedelo.
Xildhibaanada ayaa haatan isku diyaarinaya ka qeybgalka kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee Maanta ka qabsoomi doona Xarunta Golaha Shacabka.