Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegayaa in duleedka degmadaas uu ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay.
Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray Bar-Koonforool oo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Makuudo ee duleedka Baydhabo waxyarna u jirta Garoonka Diyaaradaha M/Baydhabo waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo socday.
Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in Gacan ku heynta Koontoroolka ay la wareegeen mudo saacado ah in kastoo aan warkaas la xaqiijin.
Majirto dhankooda wax War ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeeed ee ku aadan dagaalkaas .
Sidoo kale majiraan Warar Madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka duleedka Baydhabo ku dhex maray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Al-Shabaab