Shalay gelinkii dambe ayaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaa lagu weeraray Hotelka Naasa-Hablood 2 ee Magaalada muqdisho qaraxaasna waxaa xigay rag Gudaha u galay Hotelka kuwaas oo ka daagalamay.
Dad farabadan ayaa weerarkas ku geeriyooday halka Masuuliyiin kale la soo badbaadiyay.
Xalay ilaa saakay Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa ku howlanaa badbaadinta dadkii ku jiray Gudaha Hotelka.
Dadka Caanka ah ee ilaa iyo hadda ku geeriyooday waxaa ka mid ah Cabdi Naasir Gaarane oo horay u soo noqday Xildhibaanadii Baarlamaankii 9,aad Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha hadana waxaa uu ka mid ahaa Guddiga taakuleynta Ciidamada.
Sidoo kale taliyihii Saldhiga Booliiska Deeyniile iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maodobe Nuunoow marna ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada amniga oo iskudayay in howlgalkaas ay wadeen in ay dadkaasi hotelka ku jiray ay badbaadiyaan ugu dambeyna ay soo gaba gabeeyeen.
Afhayeenka Wasaarada Amniga C/Casiis Xildhibaan oo Saxaafada kula hadlayay Afaafka hore ee Hotelka ayaa sheegay in Raggii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab Saddex ka mid ah haatan Gacan lagu haayo.
Xaalada Goobta xiligaan waa ay wanaagsan tahay waxaana la arkayaa Burburka xoogan ee soo gaaray hotelka iyo dhismayaasha kale eek u dhaw dahw.