Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qarixii ka dhacay 14 bishaan Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, iyo baaritaanada ay ku hayaan dadka lagu tuhmayo.
Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,Wasiirka Wasaaradaas oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Amnigu ay dad u xirxirtay qaraxaas isla markaana ay hayaan xogo dhawaana Shacabka Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan.
Qarixii isgoyska zooobe balse hadda loo bixiyay 14 Octoper ayaa ahaa qarixii ugu khasaaraha badan ee ka dhacay Soomaaliya iyada oo xalay Xukuumadda Soomaaliya ay sheecisay khasaarihii guud ee ka dhashay qaraxaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya