Wakaalladda Wararka u faafisay Imaaaradka Carabta ee WAM ayaa sheegtay inay Diplomaasiyiinta ka hawl-gala Safaaradda Imaaraadka ku leedahay magaalladda Muqdisho dhiig ugu deeqeen dadkii ku dhaawacmay qaraxii bishan October 14-dii ka dhacay Isgoyska KM 5 ee magaalladda Muqdisho.
Dhinaca kale, Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalladda Muqdisho ayaa la sheegay inay daaweyn u fidiyeen Tobanaan qof oo uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxaasi.
Isbitaalka Sheikh Zayid oo la dhisay sannadkii 2015-kii waxa uu maalin kasta Daryeel Cafaimaad oo lacag la’aan ah u fidiyeen boqolaal Bukaano u badan carruur iyo haween.