Diyaaaradaan oo  ay soo dirtay dowladda Mareykanka ayaa goordhow ka soo degatay Garoonka Diyaaradaha adan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaradan ayaa waxa ay wadaa dawooyin kala duwan taas oo loogu talo galay in lagu daweeyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Wariayasheena ku sugan Garoonka ayaa waxa ay soo sheegayaan in haatan lagu guda jiro dejinta Dawooyinka ay Wado diyaaradaas.
Dowladda turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee Gurmad Caafimaad la soo gaartay dadka Soomaaliyeed wxana xigay dowladdaha Jabuuti, Qatar iyo kuwo kale oo balaan qaad sameeyay.