Afhayeenka Boliska Kenya, George Kinoti ayaa sheegay in Hay’addaha Ammaanka la geliyey Heegankii ugu sarreeyey, lana kordhiyey Hawlaha Siroonka.
Waxa uu intaasi ku daray inuu si joogto ah u shaqweynayo Nidaamkooda, si looga hortago inaysan gudaha Kenya ka dhicin qaraxyo la mid ah kuwii dhawaan ka dhacay Muqdisho, oo ay in ka badan 300 oo qof ku geeriyootay.
Dhinaca kale, Wasiirada Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Mohamed waxay si kulul u cambaaraysay qaraxii ka dhacay Muqdisho.
Waxay sheegtay inay Dowladda Kenya si xooggan u cambaaraynayso qaraxaasi, isla markaana ay Tacsi u dirayaan DFS iyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi.