Goobjoog ayuu Maanta ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre qaaditaankii dadkii ku dhaawacmay qaraxii sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Isaga iyo Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga Axmed Dermikan ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Gudaha Garoonka kaas oo looga hadlayay Caawinta dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa dowladda Turkiga uga madceliyay sidii ay uga jawaabtay codsigii ay u direen, iyda oo Turkiga uu noqday dowladdii ugu horeysay ee ka jawaabtay.
Waxa uu sheegay Kheyre in dowladda Turkiga ay baal dhab ah ka gashay Taariikhda Soomaaliya isla markaana Shacabka Soomaaliyeed aysan u iloobi doonin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wasiirka Caafimaadka TurkigaÂ