Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayn in haatan uu deegaano hoostaga degmadaas uu ka socdo dagaal culus.
Dagaalka ayaa waxa uu sigaar ah uga socda deegaanka lagu Magacaabo Daniga baaloow oo xiriirisa Wadada u dahxeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye.
Dagaalka ayaa yimid akdib markii Ciidamada dowladda oo sida gaarka ah u tababaran oo wata Gaadiidka Gaashan ay weerareen fariisin ay ku sgnaayeen ciidamada Al-Shabaab oo ku yaalla Daniga ee duleedka Balcad.
Weli lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas balse dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayan in uu weli dagaalka halkaasi ka socdo.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com