Iyadoo ay Dowladda Turkiga soo dirtay Diyaarad Ambalaas iyo Qalab Caafimaad oo lagu daawaynayo dadkii sida xun ugu dhaawacmay Qaraxaasi, waxa uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi.
Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU NEWS AGENCY ayaa sheegtay inuu  Madaxweyne Erdogan Farriin u soo dirtay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu uga tacsideeyey Qaraxaasi.
“Waxaan si xooggan u cambaaraynayaa Weerarkaasi lala beegsaday Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia†ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladiisa ka go’an tahay inay garab istaagaan DFS iyo Shacabka Somalia si looga hortago kuwa ka damneeyey Qaraxaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Turkiga oo ka mid ah Dowladaha Caalamka ee taageeradda ugu badan siiya DFS waxay bishii hore Saldhig Milliteri ka furteen magaalladda Muqdisho.
Saldhigaasi oo ah kan ugu weyn ee ay Turkiga ku leeyihiin dalalka Caalamka waxaa loogu talagalay in lagu tababaro Ciiddanka Qaranka Somalia.