Wasiirka Caafimadka ee Turkiga, Ahmed Demirkaan iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalladda Muqdisho, si ay Taageero ugu muujiyaan DFS iyo sidii loo dardar-gelin lahaa daad-gureynta dadkii ku dhaawacmay Qarixii Isgoyska Zoople loogu qaadi lahaa Turkiga, si loogu soo daaweeyo.
50 ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa la filayaa in masanta loo daad-gureeyey dalka Turkiga.
Wasiirka Caafimadka ee Turkiga, Ahmed Demirkaan waxa u qorsheysan inuu lmaanta la kulmo Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, si uu ugu gudbiyo Tacsida Masiibadaasi iyo inuu DFS u muujiyo Taageeradda joogtadda ee Dowladda iyo Shacbiga Turkiga la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, gelinkii dambe ee shalay, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde soo caga-dhigatay Diyaarad nooca Ambalaasta oo laga leeyahay Turkiga, taasi oo ay la socdeen Koox Dhakhaatiir iyo Qalabka Caafimaadka.
2 ka mid ah Dhakhaatiirta ku takhasustay Qaliinka, mid u qaabilsan Jajabka Lafaha iyo 2 u qaabilsan Qaliinka Balaastikada (Plastic Surgeons) ayaa ka mid ahaa Dhakhaatiirta Turkish-ka ee soo gaaray Muqdisho.