Waxaa Goordhow oo Caawa ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaarad ka timid dalka Turkiga taas oo looga jawaabayay codsi Madaxda Qaranka ay u direen Madaxweynaha Dalkaas.
Diyaaradaan ayaa waxa ay sidaa Dhaqaatiir u dhalatay dalkaasi turkiga iyo dawooyin farabadan si ay ula tacaalaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Urdugan ayaa horay u sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxaas aan lagu xujeyn doonin Viisaha dalku galka.
Waa dowladdi ugu horeysay ee u soo gurmata Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ka soo jawaabta codsigii ay u gudbiyeen Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.