Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Qeyt waxa uu si kulul u cambaareeyey 2-dii qarax ee shalay ka dhacay magaalladda Muqdsiho.
Hadal-qoraal oo ka xoo baxay Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inuu Axmed Abu Qeyt tacsi u diray qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxyadaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Pan Arab, Maxamuud Cafiifi waxa uu cambaareeyey qaraxyadaasi, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay kordhiyaan Taageeradda lagu xoojinayo Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia, si loo soo celiyo Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.