Maamulka Radio Dalsan ayaa gaaray go’aankaasi, si Bulshadda Soomaalida loogu sahlo inay ku baadi-goobaan dadka ehelladda la ah ee aan warkooda la helin ama lagu la’ yahay Qaraxii shalay ka dhacay KM 5, gaar ahaan Isgoyska Zoope.
Maamulka Radio waxa uu furay Khad Telefoone (Hotline), si ay Dhegeystayaasha ugu baafin karaan dadka la waayey, Qaraxaasi kadib.
Dadka waxay soo wici karaan Telefoonka Laynka Idaacadda ee 648800 ama kala soo xiriira WhatsApp telefoonka 0615579070.