Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Axmed Bin Saciid Al-rumeyhi ayaa sheegay in Dhismaha Safaaradooda ku taalla KM 5 ee Muqdisho uu burbur xooggan ka soo gaaray qarixii shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoope.
Mas’uulkaasi waxa uu Warbaahinta dalkaasi u sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar la soo xiriireen Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ka hawl-gala Safaaradooda ku taalla Muqdisho, si ay uga xog wareystaan xaalladooda.
Agaasimaha Warfaafinta ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar, Axmed Bin Saciid Al-rumeyhi waxa uu xaqiijiyey inuu Hawl-fuliyihii Safaaradda (The Charge d’affaires) uu dhaawac fudud ka soo gaaray Qaraxii shalay, balse uu haatan caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Waxa kale oo uu sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar la soo xiriireen DFS, kana codsadeen in la adkeeyo Ammaanka Diplomaasiyiinta iyo Qoysaskooda ku sugan Safaaradda Qatar ku leedahay magaalladda Muqdisho.