Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM shalay ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QMee magaalladda New York, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Beesha Caalamka si degdeg ah uga soo jawaabin Digniintii bishii Feberaayo lagu sheegay inay khatar ku jirto 20-million oo qof oo ku macluulsan dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyp W/bari ee dalka Nigeria.
“Tirada dadka khatarta ku jira wey sii korodhay†ayuu yiri Antonio Guterres oo intaasi ku daray inay macluusha weli hayso Malaayiin qof.
Waxa uu intaasi ku daray inay Deeq Bixiyayaasha bixiyeen ku-dhawaad 70% kharajkii loo baahnaa, si cunto, biyo iyo daryeel caafimaad bil kasta loogu iibiyo ku-dhawaad 14 million oo qof oo ku macluulsan dalalkaasi.
Antonio Guterres waxa kale oo uu u sheegay Golaha Ammaanka ee QM in Gargaarka Samafalka lagu badbaadinayo Nolosha dadka macluulsan, wuxuuna xusay in 60% dadka macluulsan ku hoos nool yihiin Colaado.
Waxa uu farta ku fiiqay in qeybo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Somalia oo ay Alshabaab gacanta ku hayaan ay ku macluulsan yihiin in ka badan 6 million oo qof, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna intaasi ku daray in Shaqaalaha Samafalka lagu weeraro Deegaanadda ay macluusha daran ka jirto ee dalka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaaca kale, Danjiraha Maraykanka u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Ambassador Nikki Haley oo ka hadashay Kulankaasi waxay macluusha ka jirta Somalia, Yemen, Nu=igeria iyo South Sudan ku micneeysay inay Kooxaha Hubeysan u diidaan in dadka macluulsan la gaarsiito cuntada, waa sida ay hadalka u dhigtay.