Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari Noha ah oo qarax labaad siday,kaasi oo markii dambe ciidamada NISA ay qarxiyeen.
Gaariga Nohada ah oo waday qarax labaad ayaa ciidamadu waxay ku qarxiyeen Xaafada Ceel Qalow ee Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho sida ay Dalsan u sheegeen dad Goobjoogayaal ah.
Dhinaca kale Wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayan in Darawalkii waday Gaariga ay Ciidamada NISA Gacanta ku dhigeen isla markaana ay qabteen.
Dhacdadaan ayaa ku soo aadaya xili isla Galabta qarax Gaari uu ka dhacay goob Mashquul badan oo ku taala Isgoyska soobe ee Magaalada Muqdisho