Qaraxani oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaarigan oo noociisu yahay TM ayaa xiliga uu qarxayay waxaa eryanayay ciidamada Ammaanka kadib markii ay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi qaraxa siday,sida uu xaqiijiyay taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Goobta gaarigaasi uu ku qarxay ayaa ah goob aad u mashquul badan,waxaana xiligaasi isticmaalayay gaadiidka dadweynaha iyo shacab kale oo ku mashquulsanaa howlmaalmeedkooda.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku geedaameen isgoyska iyo dhismayaasha ka ag dhow oo qaarkood ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.
Qaraxaasi ayaa waxa ku dhintay illaa iyo ku dhawaad labaatan ruux, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan Wariyaal halka la la’yahay Gawaari burbursan oo Goobta yaalla dadkii saarnaa
Hoos Ka Daawo Sawirrada Qaraxa Soobe