Waxaa Goordhow Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Baarlamanka Soomaaliya kaas oo Maanta loo balansanaa.
Kulankaan ayaa ah Kalfadhiga 2-aad kulankiisa 22-aad waxaana goob-joog ah 155 xildhibaan, waxaana shir gudoominaya Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Ajandaha Maanta kulanka ayaa ahaa sidii ay xildhibaanada u ansixin lahaayeen ama ay u diidi lahaayeen heshiiskii Isdhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Indiya.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa dhageysan doona Akhrinta warbixinta Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha dalka kaas oo horay u soo maray Akhrinta Koowaad.
Hoos Ka Daawo Sawirrada kulanka Baarlamaanka