Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay berrito Kulan caadi ah ka yeeshaan Arrimaha Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ee laga barakiciyey dalka Myanmar.
Xoghayihii Guud ee hore ee QM, Koofi Anan ayaa la filayaa inuu Golaha u gudbiyo Warbixin ku aadan Xaalladda Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA, iyadoo in ka badan 500,000 oo Qaxootigaasi ka barakaceen Gobalka Rakhine ee dalka Myanmar.
Ergadda Dowladaha Faransiiska iyo Britain u jooga QM ayaa codsaday inay la kulmaan Koofi Anan, si ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM u miisaamaan Tallaabada xigta ee laga qaadayo Xalladda Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ee u qaxay dalka Bangaladesh.
QM waxay Hawlgalka Milliteri ee ay Ciiddanka Dowladda Myanmar ku barakiciyeen Qaxootiga ROHINGYA ku tilmaamay Fal Isir-sifeyn ah.
Dhinaca kale, Sarkaalka sare ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Jefri Feltman ayaa la filayaa inuu berrito booqasho 4 maalmood ah ku tego dalka Myanmar, si uu Madaxda dalkaasi kala soo hadlo Xiisaddaas.