Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay khudbad dheer ka jeedinayay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya ayaa si dadban uga hadlay xaalada Siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa shegay in dalkaan uu yahay mid horay u socda isla markaana  madaxda dalka aysan ku niyad jabeynin xaalada Siyaasadeed ee ‘dalka ka jirta.
“Ma ogolaan doono dhaliilo laga leeyahay ujeedo gaar ah taas oo la doonayo in lagu lagu demiyo iftiinka inoo baxaya waxan leeyahay hadii horay loo nijad jebi jiray madaxda idin hortaagan maahan kuwa ka niyad jebaya dhliilihiina waxana dalka gaar siin doonaa meel wanagsan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyreâ€
Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in wixii midnimo iyo nabad lagu waayay aan dagaal iyo khilaaf aan lagu heleynin isla markaana ay  wanaagsan in wax walba wadahadal lagu dhameeyo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.