Markii ugu horeysay Ciidamada xasilinta ayaa xalay waxa ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada ayaa howlgallada waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan halka loo yaqaano tabeelaha Sheekh Ibraahim,kadib markii habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunoow oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Baydhabo isla markaana Gaari uu watay laga qaatay.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in ay ku soo baraarugeen xalay Ciidamo kor taagan kuwaas Guri Guri u baarayay Xaafadaha Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo Xaafadaha ku teedsan Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgalkaas dad dhalinyaro u badan lagu qabqabtay walow markii dambe qaarkood la siidaayay.
Saraakiil ka tirsan laamaha amnigane waxa ay Dalsan u sheegeen in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay isla markaana ujeedkii laga lahaa laga gaaray.
Ugu dambeyn xaalada saakay deegaanadii howlgalka laga sameeyay ee duleedka Muqdisho ayaa ah mid caadi ah iyada oo isu socodka dadka iyo waliba Goobaha Ganacsiga ay Shaqeynayaan.