Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobolka Bakool gaar ahaan deegaanada Siinaley iyo Abal halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada Muqtaar Rooboow iyo Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalkaas oo bilaawday shalay Gelinkii dambe ayaa Soo gaaray xalay fiidkii, waxaana la sheegay in uu is dhashay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac balse aan wali la ogeyn tirada rasmiga ah.
Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay dagaalkaas dad farabadan ku dileen hub farabadan ay ku qabsadeen.
Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin dagaalkaas balse,dadka deegaanka qaarkood at sheegayaan in ay cabsi dareemayaa.