Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay bixin doonto 7 million oo Dollar ciddii keenta war bixin horseedi karta in la soo qabto Talaal Hamiyah oo ah Madaxa Xisbullaahi ee Hawlgalladda Dibedda.
Waxaa kaloo 5 million oo Dollar la dul dhigay Fu’aad Shukri oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan Milliteriga Xisbullahi Lubnaan.
Xiriiriyaha Maraykanka ee La-dagaalanka Argagixisadda, Nathan Sales ayaa sheegay in Tallaabadaasi tahay mid lagu kordhinayo culayska saaran Ururka Xisbullaahi Lubnaan, waana Abaalmarintii ugu horreysay ee ay Maraykanka dul dhigaan Saraakiisha Ururkaasi muddo 10-sanno ah.