Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Qin Jian, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada Wadan.
Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya  iyo Safiirka ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay isku xirka Baarlamaanada Soomaaliya iyo Shiinaha , mashaariicda lagu horumarinayo Golaha Shacabka Soomaaliya iyo arrimo kale sida  kulanka ka dib uu warbaahinta Dowladda  u sheegay Cabdi kariin Xaaji Cabdi buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira, iyadoo Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.