Wasaarada War faafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay Go’aano iyo digniin ku socota Warbaahinta Iyo Wariyaasha Ka Howlgala Deegaanada Galmudug.
Agaasimaha Qeybta Warbaahinta Wasaarada Warfaafinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal Faynuus oo  la’hadlay Radio DALSAN xarunta Muqdisho ayaa ka warbixiyay go’aanda ay soo saareen
Waxa uu sheegay in magaalada Cadaado ay ku suganyihiin Dad uu ku sheegay  Qaswadayal Doonaya inay duminayaan Galmudug Awooda Ay Adeegsanayaana ay tahay Warbaahinta Waxuuna Warbaahinta Ugu Baaqay Inay ka digtoonaadan Sideenta Wararka ay Dadkaasi Warbaahinta Siiyaan.
Sidoo kale Wasaarada Warfaafinta Galmudug yaa Sheegay In Wariyihii u hogaansami waaya Go’aanada iyo amarada ay soo saareen ay sharciga la’tiigsan doonaan.
Ugu Danbeentii waxa ay Wasaarada warfaata Baaq U Dirtay Warbaahinta Deegaanada Galmudug  oo ay Ugu baaqday inay ixtiraamaan Maamulka oo si dhaxdhaxaad nimo ah u shaqeeyaan
Halkaan Ka Dhagayso Waraysi Uu Maxamed Cabdulaahi Baxnaaniye Layeeshay Agaasimaha Qeybta Warbaahinta Wasaarada Warfaafinta Galmudug Maxamed Xasan Sahal Faynuus.