Taliska Ciidamada Booliiska Saldhiga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa Gacanta ku dhigay Koox wadatay qof ay soo afduubteen.
Xog ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegeysaa in kooxdaas ay Shaqsigaan ka soo afduubteen qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Gobolka Banaadir balse kooxdaas aan weli lacadeyn waxa ay sheegeen.
Taliska Booliiska degmadaasi Hodan ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in raggaas oo gaaraya ilaa Saddex ay Afduub ahaan u heesteen Cunug yar oo Sideed jir ah haatana lagu hayo Saldhiga degmada Hodan isla markaana baaritaano uu ku socdo waxa ay yihiin kuwa wax afduubtay.
Sidoo kale taliska Booliiska degmada Hodan ayaa waxa ay sheegeen in dadkaas ay Cunugaas yar ka soo afduubteen degmada Hurwaa isla markaana ay doonayeen lacag madax furasho ah.