28 Bishan Balan qaadkii Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle uu sheegay ayaa ahaa in Gacanta lagu soo dhigo dadkii 27 Bishaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ku dilay Xogheyihii Ururka Hawenka Qaranka Soomaaliyeed iyo Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururkaas.
Wasiirka amniga ayaa Khamiistii sheegay in aysan marnaba suuragal aheyn in degmada Xamarweyne fal ka dhacay dadkii ka dambeeyay ay baxsadaan taas bedelkeedana dad badan ay xilka ku weyn doonaan ama isaga uu is casili doono.
Maant oo Axad ah  ayaa laamaha amniga Soomaaliya laga sugayaa in ay bulshada Soomaliyeed u soo bandhigaan waxa ay hayaan taas oo jawaab u noqoneysa hadalkii Wasiir ducaalle.
Isla khamiistii degmada Xamarweyne waxaa ka dhacay qarax Gaari loo adeegsaday kaas oo dilay ku dhawaad 10 Ruux.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga