Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya oo Saxaafada kula hadlayay Gudaha Magalad Muqdisho ayaa sheegay in mrnaba aysan macquul aheyn qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Madbacado daabaca Warqado digniin ah isla markaana Al-Shabaab qaata amarkooda balse diida Warqadaha ay dowladdu u baahan tahay.
“Waxan la soconaa xiligii aan Golaha Wasiirada horgeynayay Sharciga la dagaalanka Argagxisada in ay jireen Madbacado qaarkood in Warqadihii ay diideen in ay daabacaan iyaga oo sheegay in ay cabsanayaan, anaga kama yeeleyno hadalkaas runtii waan ku daba joognaa waana soo qaban doonaa ayuu yiri Wasiirka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga