Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow ku qarxay meel u dhow bacadlihiu hore ee degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo jugtiisa inta badan laga maqlay Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ku qarxay Busteejada degmada Xamarwyene wadada ka timaada Albaabka hore ee Beerta Nabada ka soo horjeedka kaalin shidaal oo halkaasi ku taalla.
Wariyaasheena Goobta tegay ayaa waxa ay soo sheegayaan in qaraxaas gaari uu inta badan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah u geestay Gaari kan dadweynaha ah ee loo yaqaano Homeyda oo Goobta marayay kaas oo inta badan dadkii saarnaa ay noqdeen kuwa dhinta iyo kuwa dhaawacma.
Gawaarida Ambalaasta ayaa haatan daad gureyneysa dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi Gaari.
Goordhow la socda faah faahinta