Xubno katirsan Baarlamaanka Federalka ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Diyaarad ay ka raaceen Muqdisho in ay ku wajahan tahay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud,kadib Markii Madaxweyne Xaaf uu Xayiray dhaq dhaqaaqii Garoonka Cadaado oo uu ka mamnuucay in ay kasoo dagaan Diyaaradaha kasoo baxa Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada maanta ka baxaya Muqdisho ayaa waxa ay  kasoo horjeedaan Siyaasada Xaaf waxaana ay  doonayaan in ay la socdaan dhaq dhaqaayada Siyaasadeed ee kasocda Magaaladaasi,oo ay xaalad siyaasadeed oo adag ay ka taagan tahay.
Magaalada Cadaado waxaa hadda kusugan Xildhibaano kasoo jeeda Galmudug oo katirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kuwaa oo kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.