Taliska Boliiska iyo Wasarada amniga oo daqiiqado kadib soo bandhigi doono Rag waraaqado digniin kudaadiyay magaalada muqdisho iyo dadkii daabacay .
Kulan hadda ka socda Xarunta Jeneral Kaahiye ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliyaha Boliska Jeneral C/xakiin Daahir Saciid Saacid iyo Saraakiil kale.
Wararka xarunta Shirka aynu ka heeleno ayaa waxa sheegayaan in Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Boliska ay madashaa kusoo bandhigayaan Rag la sheegay in warqado digniin ah ay ku dadiyeen  Magaalada Muqdisho.
Kulanka Saraakiishan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kordhayeen falalka Amni daro ee Magaalada ka dhaca .
La soco faah faahinta Gor dhow