Waxaa maalintii labaad Magaalada Cadaado kulamo kuleh Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federalka iyo Hogaanka Maamulka Galmudug oo khilaaf Xoogan u dhaxeeyo.
Xubnahan Xildhibaanada ayaa Arbacadii shalay Cadaado gaaray waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Xildhibaanada Qaar ee Galmudug Talaadadii Kalsoonida kala noqdeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Kuxigeenka oo maalmihii ugu dambeeyay ku xayirnaa Xarunta Madaxtooyada KMG ee Magaalaada Cadaado.
Kulamada ayaa socday ilaa sacadii dambe ee Xalay waxaana manta dib u bilaabanaya kulamadaasi
Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Cadaado ku wajahan Xubno cusub oo katirsan Baarlamaanka Federlka iyo Xukuumad,Xildhibaanadan iyo Wasiirdan ayaa ku biiraya wada hadalada ka socda Magaaladaasi ee lagu xalinayo Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.
C/wali Ibraahim Garyare oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug kana mid ah xubnaha arimaha dhex dhexaadinta ku howlan ayaa Dalsan u sheegay in wada hadalada ay wali sii socdaan oo ay ka filayaan in ay mira dhalaan.
Halkan ka dhageyso C/wali Ibraahim Garyare:
Â