Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ay gaaran Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Galmudug.
Xildhibaanada labada Aqal ee Maanta tagaya Magaalada Cadaado ayaa waxaa ugu cadcad  Axmed Macalin Fiqqi, Xildhibaan Mahad salaad , Xildhibaan Cabdi Weli Maxamed Qanyare Iyo xildhibaan Xasan Macalin in kastoo ay jiri karaan xildhibaano kale oo iyana tegi doono Cadaado.
Ujeedada Xubnaha labada Aqal ka tirsan ee tagaya Cadaado ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dejinta xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Cadaado.
Xildhibaanada Galmudug qaarkood oo shiray shalay ayaa waxa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf halka ay jiraan Xildhibaano kale oo mooshin ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir