Maanta waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanaya Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in Kulanka Maanta ay soo xaadiraan si kooramka uu shirka ku furmi lahaa ay xildhibaandu u gaaraan.
Ajandaha ugu weyn ee kulanka Maaanta looga hadli doona ayaa ah Warbixin ku aadan heshiiskii horay u dhex maray dowladdaha India iyo Soomaaliya kaas oo ku aadanaa isdhaafsiga Maxaabiista Xukuman.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa la filayaa in Warbixinada heshiiskaas laga dhageysto.
Ammaanka Guud ee Xarunta Golaha Shacabka ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo la dhigay Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka.