Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa qeybo ka mid ah degmada Waaberi ku dishay Generaal Cabdulle Maxamuud Qururux oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Generaalka oo mar soo noqday taliye ku xigeenkii Saadka ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa kooxo ku hubesnaa Bustoolado waxa ay ku dileen afaafka hore ee gurigiisa xili uu ka yimid Masjidka isla markaana uu soo dukaday Salaadii Cishaha.
Dilka ayaa ka dhacay Waaxda Horseed ee degmadaasi waaberi waxana Generaal Cabdulle Maxamuud Qururux ay Maamulka degmada waaberi dalsan u xaqiijiyeen in lala dilay Askari ilaalo u ahaa isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay Goobta ka baxsadeen.
Meydka Marxuumka ayaa haatan yaalla Xarunta dembi baarista CID-da waxaana haatan ay ciidamada dowladda Soomaaliya howlgallo baaritaano ah ka wadaan Xaafadaha ku dhaw dhaw Goobtii uu dilka ka dhacay