Dowladda Iiraan ayaa maanta ku dhawaaqday inay xanibtay dhamaan Duullimaadyada ka socda ama ka imaanaya Gobalka Kurdistan, kadib, markii ay Dowladda Ciraaq ka codsatay joojinta Duullimaadyadaasi.
Xayiraadan ayaa timid hal maalin ka hor marka ay Maamul-gobaleedka Kudistan afti u qaadayaan Madax-bannanida ay doonayaan inay kaga go’aan dalka Ciraaq.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Iiraan, Kelvan Khosravi aaya sheegay inay Dowladda Dhexe ee Ciraaq ka heleen codsi lagu joojinayo dhamaan Duullimaadyadda ka yimaada Iiraan ee taga magaallooyinka Suleymaaniyah iyo Arbil ee Waqooyiga Ciraaq.
Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa sheegay in Tallaabadaasi looga hortagyo Aftida berri ka dhici doonta Kurdistaan.
Ma sheegin muddada ay Xayiraadda Duullimaadyadaasi socon doonto, iyadoo ay dhowr duullimaad maalin kasta si caadi ah u tegi jireen Gobalka Kurdistan.
Go’aankan ayaa yimid saacado kadib, markii ay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan dhoolatus Milliteri ka bilaabeen xuduudka ku dherersan Waqooyiga Iraq