Axmed Ducaalle Geele Xaaf Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in safarkiisa ay carqaladeysay dowladda Federaalka Soomaliya.
Waxa uu sheegay in maanta loo diiday in Diyaaradiisa ay ka soo degto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho taas oo keentay in Diyaaradii siday ay ku hakato Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa.
“Saakay 6:30 ayaan imid Hargeysa ilaa mudo 5 saacadood ayaan ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha hargeysa,dagaal cidaya dirir ah oo aan fiicneyn ayaa ii muuqda ayuu yiri Madaxweyne Xaafâ€
Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in dowladda Federaalka ay ku heyso faragelin, sidoo kalena waxa uu ugu baaqay Shacabka Galmudug in ay iska ilaaliyaan dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Xaaf