Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle iyo wfdi uu hoggaaminayo aya duhurnimadii Maanta waxaa soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Soo dhaweyn kadib wafdiga Madaxweynah ayaa  kulan Amniga looga hadlayay waxa ay la qaateen Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya, kaas oo intiisa badan looga hadlayay go’doonka saaran degmada Jalalaqsi
Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay ayaa kuu celceliyay in aan la aqbali karin xirnaashaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baledweyne oo ay Al-Shabaab Go’doomiyeen.
Kulamada uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu la leeyahay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan Jalalaqsi ayaa waxaa la filayaa in uu dib ugu soo labto Magaalada Baladweyne ee Xartunta Gobolka Hiiraan oo uu markii hore ka tegay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada