Diyaarad siday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha  Magaalada  Berbera oo ay Maamusho Shirkad laga leyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Diyaaradan oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka soo duushay Magaalada Dubai ee dalkaasi,waxaana la sheegay in madaxweyne Xaaf uu haatan ku sugan yahay VIB-da Garoonka.
Daqiiqadaha nasoo aadan ayaa sidoo kale la filayaa in Madaxweyne Xaaf uu ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera isaga oo tegi doona Magaalada Cadaado oo ah Xarunta KMG,ka ee maamulka Galmudug.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweyne Xaaf uu sicad ula saftay xulufada uu hoggaamiyo Sacuudiga, ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.
Sidoo kale waxaa la hadalhayaa waxa kalifay in Madaxweyne Xaaf uu ka dego Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera halak xiligii hore uu soo mari jiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho